HANTIDA NOLOSHIINA KU HAGA LAAKIIN HANTIDU YEYSAN IDIN HOGAAMIN

Allah SW hantida waxa uu siiyaa addoonka uu jecelyahay iyo kan uu necebyahay labadaba, balse diinta waxa uu siiyaa kan uu jecelyahay. Allah SW waxa uu hanti siiyay Nebi suleymaan, dulqarneyn, Qaaruun iyo Namruu, hadii hantidu samaha halbeeg u ahaan lahayd allah ma simi lahayn Nebi iyo nin qooqay oo kibray.

Hantidu nolosha ayay qeyb katahay ee ma aha nolosha oo dhan. Hantidu waa hilin ee ma aha yool. Hantiile inaad noqoto diintaada dhib iyo dhaawac toona ugeysan mayso. Hanti waxaa ugu wanaagsan tan xalaasha ah eek u jirta gacanta qufka wanaagsan.

Waxaa muhiim ah hantidu in aysan adiga ku yeelan ee aad adiga yeelato. Hantida waxaa lagu gataa daawo laakiin laguma gato caafimaad, hantida waxaa lagu gataa sariir laakiin laguma gato hurdo, hantida waxaa lagu gataa goob lagu xannaaneeyo caruurta laakiin laguma gato caruur, hantida waxaa lagu gataa maktabad laakiin laguma gato aqoon hantida waxaa lagu gataa gaari laakiin laguma gato lugo, hantiilaha iyo saboolku waa isku hunguri oo mid waliba waxbuu cunaa oo wax buu cabaa haba kala qaalisanaadaane.

Hantidiina u urursada si ay idinku adeegto laakiin ha u urursanina si aad iyada ugu adeegtaan. Hantidiina ka dhiga addoon iyo raace laakiin haka dhiginina boqor iyo la caabude.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *